Waxaa socda qabanqaabada Doorashada Guddoonka Guddiyada Doorashada heer Federaal, iyadoo uu xiiso gaara yeeshay xilka Guddoomiyaha Guddiyada Doorashada.
Tartanka xilkan oo lagu kala qeybsamay ayaa waxaa isu sharxay ilaa shan xubnood oo guddiga ka mida, waxaana ka mida guddoomiyihii Guddigii la isku khilaafsanaa ee hore iyo afar xubnood oo kale.
Xubnaha Musharixiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Guddiyada Doorashada Heer Federaal, waxay kala yihiin:
1- Maxamed Xasan Cirro
2- Maxamed Muuse Maxamud
3- Liibaan Axmed Xasan (Liban shuluq)
4- Cabdi Xiis Aadan
5- C/casiis Yuusuf
Xilka Guddoomiya ku xigeenka Guddiga waxaa u sharxan laba xubnood oo kala ah:
1- Mowlid Mataan
2- Saciid Abshir
Madaxda Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa la heegay inay ku kala qeybsameen arrintan oo ay hadda isku dhinac kasoo jeedaan madax si weyn mucaarad isugu ahayd.
