Magaalada Jowhar ayaa la sheegay in maanta uu ka bilowday dhageysiga khudbooyinka mushrixiinta guddoonka Baarlamanka maamulka Hirshabeelle.
Qorshaha wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya oo hal maalin dib u dhac ku yimid ayaa dib u bilaabanaya maanta, waxaana guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle u sharxan saddex musharax oo hal beel kasoo jeeda.
Jadwalkii ay soo saartay Wasaaradda arrimaha Gudaha ayaa lagu asteeyay in doorashada guddoonka baarlamaanka Hirshabeelle ay dhici doonto 13-ka Oktoobar, taasoo hadda u muuqata inaysan suuragal ahayn, isla markaana ay dib u dhac ku keeni doonto doorashada madaxweynaha.
HOOS KA AKHRI JADWALKII WASAARADDA GUDAHA
Wadani.com