Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Doorashada Hirshabeelle: Danta Villa Somaliya, Damaca Cali Guudlaawe iyo Doorka Waare..? (Warbixin)

    Doorashada Hirshabeelle: Danta Villa Somaliya, Damaca Cali Guudlaawe iyo Doorka Waare..? (Warbixin)

    October 7, 2020Updated:October 13, 20203 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maamulka Hirshabelle ayaa waqtigiisu gabogabo yahay, iyadoo aysan muuqan doorasho xilligeeda ku dhici doonta oo maamulkaasi aadayo markii uu shalay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ka hor yimid jadwalka Doorashada ee ay soo saareen Guddigii Farsamada ee uu magacaabay.

    73 xildhibaan oo ka mida Baarlamaankii koowaad ee Hirshabelle ayaa magaalad Jowhar lagu dhaariyey 9-kii Oktoobar 2016, waxaana madaxweynihii koowaad ee maamulkaasi ay doorteen 17-kii Oktoobar 2016 oo ay saddex toddobaad ka yar hadda naga xigto, iyadoo uu khilaaf ka taagan yahay madaxda sare ee xilkoodu dhammaanayo iyo beelaha dhisay maamulkaasi.

    Waxgarad iyo siyaasiyiin badan ayaa soo jeediyey in Maamulka hadda jira muddo sanad ah loogu daro si looga badbaado inay mar waliba isku beegmaan doorashada Federaalka iyo tan Hirshabelle, kadibna maamulkaasi uu noqdo mid boobsiis iyo khilaaf lagu dhiso, laakiin arrintaasi waxaa ka hor yimid Madaxtooyada Soomaaliya oo dano siyaasadeed ka leh.

    Maxamed Cabdi Waare ma ha musharax, balse wuxuuna heshiis siyaasadeed la galay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wakiilkiisa Doorashooyinka Hirshabeelle ee Fahad Yaasiin, isagoo isu bedelay mas’uul daciif ah oo dallaalnimo ka doortay badbaadinta Maamulka uu saddexda sano jidka u bixin waayey.

    Waare wuxuu si degdeg u magacaabay Guddi farsamo oo soo xula xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle, xilli ay doorashadu ka harsan tahay wax ka yar Bil, laakiin maalmo kadib ayuu ka daba tegay, kana hor yimid inay Doorasho qabtan; markii ay soo saareen jadwalka doorashada (Akhriso), isagoo ka doonaya shaqo 4 sano lagu qaban waayey.

    Mushkilada ugu weyn ee Hirsahabeelle heysata xilligan ayaa ah in Madaxtooyada Soomaaliya aysan kaliya dooneynin Doorasho xilligeeda ku dhacda, balse ay wadato inay madaxweyne ka dhigto Cali C/llaahi Guudlaawe, taasoo xaaladda dib ugu soo celisay muran awood qeybsi Beeleed iyo xiisad siyaasadeed oo sanadkii 2016 la daboolay.

    Damaca Guudlaawe oo kaliya ku kooban inuu xilka ugu sareeya ee Hirsahbeelle qabto iyo Danta Villa Somalia oo aan ka badneyn inuu Guudlaawe usoo saaro xildhibaanada Federaalka ee Jowhar lagu dooranayo waxay xaaladda Hirshabeelle dhex dhigeen xaalad siyaasadeed oo kala guur.

    Madaxweyne Waare oo laga yaabo inuu cadaadis saarayo Villa Somalia si loogu fuliyo balanqaadkii loo sameeyay xilli kasta ayuu is bedeli karaa, laakiin Hirshabeelle oo 4 sano uga dhammaatay waxqabad la’aan waxay mar kale u muuqataa inay qarka u saaan tahay burbur ay qeyb ka tahay Madaxtooda Soomaaliya.

    Siyaasiyiinta kasoo jeeda Hirshabeelle ayaa ka badin waayey inay kala taageeraan musharixiin aan la ogeyn halka ay xukumi doonaan iyo difaacidda kursi Beel loo gaar yeelo, halka Odayaasha iyo duubabka labada Gobol aysan xiriir fiican lahayn, lamana oga cidda soo farageln doonta ee la sugayo.

    WARBIXINTA GOOBJOOGE

    Cali Guudlaawe Doorashada Hirshabeelle Fahad Yaasiin Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAlshabaab oo halis ku heysa Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb & Weerarkii ugu danbeeyay
    Next Article Alshabaab oo sii deysay dhaqaatiirtii Cuba ee ay Afduubka ku heystatay iyo Xog laga helay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo