Doorashada Kursigii xildhibaan ee uu banneeyay Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Mahad Maxamd Salaad ayaa ka shaaciyay xilliga uu dhici doono.
Guddiga Ku-meel-gaarka ah ee doorashada kuraasta ka dhimman oo uu magacaabay Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in Kursiga HOP174 ee degaan doorashadiisu tahay magaalada Dhuusamareeb ayaa la qabanayaa 1-da Bisha February 2023.
Kursigan oo dhaqaale badan ku baxday Baarlamaanka 11-aad ayaa 17-keed 2022 waxaa kusoo baxay Mahad Salaad, markii loo xiray ayna u tanaasushay haweenay lagu qoray inay la tartanto.
Guddiga doorashada ayaa sidoo kale dhawaan shaacin doona xilliga la qaban doono doorashada kuraasta kale ee ka dhimman Golaha Shacabka, kuwaas oo uu ku jiro kursiga uu banneeyay Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
