Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya inay halkaasi ka dhici doonto doorashada kursiga Xildhibaanimo ee Beesha Cali Madaxweyne/Xawaadle ee uu banneeyay C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.
Doorashada oo ay joojisay Maxkamadda Sare ee dalka ayaa waxaa wada Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaran, waxaana u taagan musharixiin fara badan oo si weyn ugu loolami doona, iyadoo uu safka hore ku jiro taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo kursiga ku waayay markii uu qabtay xilka agaasimaha NISA.
Sanbaloolshe oo inuu kursigan ku guuleysto uu gacan weyn ku siiyay madaxweynihii Hirshabeelle ee xilka laga qaaday Cali C/llaahi Cosoble ayaa waxa xusid mudan inuu kula tartamayo kursigan oo noqday kan ugu qaalisan.
Musharaxiinta ugu ku loolamaya kursigan waxay kala yihiin:
1- Cali C/llaahi Cosoble
2- C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe)
3- Dahir Cabdulle Cawaale
4- Nuur Iidow Beyle
5- Dahabo Xasan Axmed
6- Xuseen Axmed Geelle
Sanbaloolshe ayaa la sheegay inuu ugu cadcad yahay inuu ku soo baxo kursiga isagoo uu taageersan yahay nabadoonka beesha ee soo xulay ergada, waxaana uu hore ugu guuleystay inuu kursigan noqdo mid bannaan intii uu hayey xilka Agaasimaha NISA, waana musharaxa ugu dhaqaalaha badan.