Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku adkeystay inuu guul weyn kasoo hooyey Doorashada madaxweynaha dalkaasi, balse uu dacwad geyn doono Maxkamadda si looga hortago in codadka qaarkood la xado, sida uu yiri.
Khudbad uu ka jeediyey Aqalka Cad ayuu sheegay inay caddahay inuu ku guuleystay Doorashada, isla markaana uu helay codadka Gobollo aanu fileyn, wuxuuna caddeeyay inuusan ogolaan doonin tirinta codadka lagu dhiibay Boostada oo uu ku sheegay kuwo la doonayo in lagu xado codadka.
Trump ayaa diidan in tirinta codadka lagu soo daro codadka lagu dhiibtay Boostada oo ua badan kuwa taageerayaasha Xisbiga Dimoqraadiga, saddexda Gobol ee Pennsylvania, Wisconsin iyo Michigan, wuxuuna dadaal ugu jiraa in codadkaasi meesha la saaro oo la tuuro, isagoo sheegay inuu dacwad ka furanayo Maxkamadda Sare.
Natiijada Doorashada Madaxweynaha Mareykanka ee 2020 ayaa laga cabsi qabaa inay gudubto Maxkamadda Sare ee dalkaasi oo ay ku badan yihiin Garsoorayaasha raacsan Xisbiga Jamhuuriga, iyadoo waqti qaadan doonta.
