Dib u dhac ayaa soo wajahay doorashadii madaxweynaha cusub ee Galmudug oo lagu waday inay maanta ka dhacdo magaalada Cadaado.
Doorashadan oo ay wadeen qaar ka mida xildhibaanada Baarlamaannka maamulkaasi ayay hore u shaaciyeen inay dhaceyso 19ka February, laakiin Guddomiyaha Guddiga Doorashada ayaa sheegay in dib loo dhigay.
Ma jirto waqti kale oo loo qabtay doorashada muranku ka taagan yahay ee madaxweynaha Galmudug, iyadoo ay socdeen waanwaan ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa xiisad siyaasadeed ee ka taagan Cadaado.
Xildhibaanada xilka ka qaaday Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa muddo laba jeer ah hore u sheegay inay dooranayaan madaxweyne, taasoo suuragal noqon weyday.
Madaxweynaha Galmudug oo ku gacan seyray xil ka qaadista lagu sameeyay ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, isagoo madax ka ahaa kooxdii ololaha doorashada Xasan Sheekh.
Wadani.com