Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee maamulka cusub ee Hirshabeelle ayaa maanta ka bilaabaneysa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.
Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre ayaa shaaciyay in cod bixinta Doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ay bilaaban doonto Maanta Duhurnimada.
Wuxuu ugu baaqay xildhibaanada Hirshabeelle inay soo xaadiraan oo xilkooda gutaan, iyadoo maamulka Hirshabeelle uu yahay maamulka ugu dambeeya ee dooranaya xildhibaanada Aqalka Sare xilli ay maamulada kale bilaabeen doorashada aqalka hoose.
Ilaa 20 musharax ayaa u taagan Aqalka Sare ee deegaanada maamulka Hirshabeelle u meteli doona dowladda Soomaaliya, iyadoo intooda badan ay musharixiinta la sii ogyahay inay guuleysan doonaan.
Wadani.com