Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Doorashooyinka Turkiga (Muhiimadda iyo Saameynta ay yeelan karto)

    Doorashooyinka Turkiga (Muhiimadda iyo Saameynta ay yeelan karto)

    June 21, 2018Updated:June 21, 20184 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Doorashooyinka Turkiga
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dadka Turkiga ayaa u dareeri doono Goobaha Cod-bixinta Axada soo socoto oo  ku beegan 24 bishan 2018, si aay u doortaan madaxweynaha iyo xubanaha golaha shacabka oo ka kooban 600 oo xildhibaan.

    Sida laga soo xigtay Guddiga Doorashooyinka waxaa codkooda dhiiban doono 56 milyan 322kun iyo 632 codbaxiye oo ku  nool dalka Turkiga gudahiisa, halka qurbo joogta Turkiga aay u bilaabatay Doorashada maalmo ka hor lagu sheegay Tiradooda 3milyan 47kun iyo 328 Codbixiye.

    Doorashada Madaxweyne iyo Tan Barlamaanka oo ah tii ugu horeeysay ee hal mar la wada qabto ayaa sii kordhisay xamaasada tartanka doorashada, sidoo kale waxeey sii adkeysay in la sii qiyaaso natiijada ka soo bixi karto doorashada. Sidoo kale doorashada Waxeey ku soo beegantay xili Madaxweyne Erdugan uu horseed ka yahay  in Nidaamka Madaxweyna loo guuro halka mucaaradka aay ka soo horjeedaan Nidaamkaas.

    Doorashada Xildhibanada oo ah mid aad u adag waxaa ku tartami doono 11 Xisbi siyaasadeed , oo u kala qeybsan labo isbaheeysi  oo kala ah :

    Isbaheeysiga Dadweynaha oo la aasaasay  February 2018 waxuuna ka kooban yahay,  Xisbiga Cadaalada iyo Horumarka ,Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Qaranka iyo Xisbiga Midnimada waxeyna taageersan yahiin nidaamka Madaxweynaha.

    Isbaheeyga labaad oo ah Isbaheeysiga Ummada oa la aasaasay  May 2018 kaas oo ka kooban, Xisbiga Dadweynaha Jamhuuriga , Xisbiga Wanaaga ,Xisbiga Saacaad iyo  Xisbiga Dimuqaardiga waxeeyna ka soo horjeedaan Nidaamka Madaxweynaha, waxeeyna olola ugu jiraan in aay dib u soo celiyaan Nidaamka Barlamaaniga.

    Musharixiinta Madaxweyne

    1- Rejeb Deyidb Erdugan: waa Madaxweynaha talada haayo  tan iyo 2014kii Waana musharaxa Isbahaysiga dadweynaha, oo ay ku jiraan Xisbiga Cadaalada iyo Horumarka iyo Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Qaranka.. Erdogan oo 64 jir ah ayaa aad ula dhacsan nidaamka madaxweynaha.

    2- Muharrem Ince: Waa Musharaxa Xisbiga dadweynaha Jamhuuriga (CHP), xisbiga ugu weyn ee Mucaaradka dalka. Muharram oo53jir ah, horay na u ahaa macallin ayaa Sheegay haddii la doorto uu madaxtooyada ka dhigi doono  mid casri ah iyo xarun wax lagu barto. Sidoo kale waxuu ballan qaaday in uu  dib u soo celin doono nidaamka siyaasadeed ee habka Baarlamaanka.

    3-Meral Aksener: waxeey Musharaxa u tahay Xisbiga Siyaasada ku cusub ee Xisbiga wanaaga, Meral Aksener oo 61 jir ah oo horay u soo noqotay wasiirka arrimaha gudahaa iyo ku xigeeynka Guddomiyaha Barlamaanka , ayaa laga eryaya Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Qaranka bishii Sebtembar 2016kii ka dib markii uu khilaaf  soo kala dhex galay Meral iyo Guddomiyaha Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Qaranka . Dadka qaarkood waxay ugu yeeraan Gabadhii Birta aheed, sidoo kale waxaa la aaminsan yahay  in Meral Aksener ay noqon doonto mid Erdogan si xoog leh ula tartanto.

    4-Selahattin Demirtas: waxuu Musharax u yahay Xisbiga Dimuqraadiga ee Kurdiga ah (Selahattin hadda wuu xeran yahay waxaana lagu eedeeyay taageerida argagixisada), inkastoo uusan jirin kaalin rasmi ah uu ku leeyahay hoggaaminta xisbiga, hadana ma jiraan wax sharci ah oo ka hor istaagayo in uu u tartamo madaxwaynanimada.

    5-Temel Karamollaoğlu: waa Musharaxa Xisbiga Saacaad oo xambaarsan Fikradihii Najmudiin Erbakaan. waxuuna taagersan yahay Nidaamka Barlaaminga.

    6-Doğan Perinçek: wa amusharaxa Xibiga Al-wadan, sida dad badan aaminsan yahiin malaha saameeyn Badan.

    Doorashada Haddii uusan Musharax ku guuleysanin wax ka badan 50% codadka madaxweynaha, waxaa la aadayaa wareegga labaad. Ra’yi aruurin la sameeyay ayaa muujinaayo in Isbahaysiga Dadweynaha uu hogaamiyo Madaxweyna Erdugan uu heli doono qiyaastii inta u dhaxeeyso 47% ilaa 53%.

    Xisaabaadka doorashooyinka Baarlamaanka ayaa aad uga adag tan madaxweynaha, marka la fiiriyo dhibaatooyinka soo wajihi karo Xisbiga Cadaalada iyo Horumarka oo aay ugu horeeyso Muddada uu talada hayay Xisbiga , Xisbiyada tirade badan iyo isbaheysiyada hadda sameeysmay, sidoo kale xulafada Xisbiga Cadaalada yo horumarka oo aad u Liito taas oo keeni karto in uu ku guuleeysan wayao Aqlabiyada Barlamaanka. Saameynta ugu badan Doorashada Barlaaanka ayaa ah sida ugu suurta gasho Xisbiga Dimuqaradiga ee Kurdiga in uu ka gudbo Xeendaabka oo ah  in uu ka helo Kuraasta Barlamaanka wax ka badan 10%, haddii uu heli waayo waxeey Fursad siin Xisbiga Cadaalada iyo Horumarka in uu helo kuraasta ugu badan ee Barlamanka.

    Marka la eego dhammaan caqabadaha iyo xaaladahaas, doorashada Turkiga gabi ahaanba wey ka duwanaan doonto dooroshooyinkii hore, natiijooyinka qaar waxay noqon doonaan kuwo Saameyn weyn yeesho, gaar ahaan haddii mucaaradka ay ku guuleystaan madaxweynenimada (in kastoo suurtagalnimadeyda aad u yar tahay), ama aqlabiyadda Baarlamaanka ku guuleeystaan (waa wax dhici karo laakin aad u yar rajada laga qabo ).

    Ugu dambeyntii, Turkiga waxay geli doonaan – doorashooyinka soo socda –  tijaabo  cusub oo ka duwan tan hadda jirta, waxaana go,aanka ugu denbeeyo yeelan doono Codbixiyaha Turkiga ah oo dooran doono Nidaamka Maamul iyo madaxda maamuli doonto Shanta sano ee socoto.

    Mohamed Osman Salah

    [email protected]

    Doğan Perinçek Doorashooyinka Turkiga Meral Aksener Muharrem Ince Rejeb Deyidb Erdugan Selahattin Demirtas Temel Karamollaoğlu
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweyne Trump oo markii ugu horeysay jebinaya Sharci uu hore u soo saaray oo lagu cambaareeyay
    Next Article Shirkadaha Isgaarsiinta & Internet-ka oo ka hor yimid dhismaha Guddiga Qaran ee Isgaarsiinta (War culus)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo