Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo shaaciyay in laga laayay Boqolaal ruux Soomaali ah

    Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo shaaciyay in laga laayay Boqolaal ruux Soomaali ah

    September 14, 20172 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa shaacisay in la laayay boqolaal Soomaali ah oo ay xasuuqeen Orromada.

    Wasiirka isboortiga iyo dhalinyarada ahna la taliyaha arrimaha saxaafada ee madaxweynaha Maxamed Bille (Miig) oo u hadlay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya  ayaa sheegay in dad Soomaali ah oo aad u badan lagu laayay deegaanada xuduudaha ee ay wadaagaan maamulada Soomaalida iyo Oromada Itoobiya, wuxuuna falkaas ku eedeeyey ciidamada maamulka Oromiya.

    “Dhimasho aad u farobadan ayaa jirta, boqolaal ayay gaarayaan dadka dhintay, hanti badana waa ay ku burburtay, maadaamaa waxa shaqadan fulinaya uu ciidan yahay, dad badan ayaa ku naf waayay” ayuu yiri wasiir Maxamed Bille.

    Mar uu ka hadlay cidda dilka gaysatay ayuu sheegay “Waxaa markasta weerarada soo qaadaya waa ciidamada booliiska Oromiya, meelaha aan xuduudaha ka leenahay shacabka degan ayay kusoo qaadaan, iyada oo dadka shacabka ee Soomaalida ah ee halkaas degen ay yihiin dad nabadgelyada jecel, waxayna soo weeraraan iyaga oo qaabaysan oo nidaam dowlad ku socda, dad badan ayaana ku naf waayay, dad kalana waa la barokiciyay”.

    Hadalka wasiirka ayaa ka dambeeyay kadib markii shalay dad Soomaali ah oo aanan tiradooda la xaqiijin lagu laayay deegaanka Hawaday ee qaadka laga beero ee u dhow magaalada Harar.

    Dilkaas oo lagu eedeeyay in ay gaysteen dad Oromo ah ayaa wararkii ugu dambeeyay ee soo baxaya waxa ay sheegayaan in xiisadaha ay sii faafayaan.

    Dadkii Harar lagu laayay ayaa lagu aasayaa magaalada JigJiga sida ay noo xaqiijiyeen illo madax banaan, iyada oo sidoo kale dadka Oromada ah ayaa laga daadgureeyay deegaanka Soomaalida Itoobiya baqdin laga qabo in waxyeelo kasoo gaarto shacab caraysan, sida uu noo xaqiijiyay wasiirka.

    Xiisadan ayaa sidoo kale saamaysay dhaqdhaqaaqa ganacsiga, gaar ahaan qaadka, waxaana gabi ahaanba joogsaday qaadkii tagi jiray deegaanada Somaliland ee ka iman jiray beeraha qaadka ee deegaanka Hawaday oo ah halka uu dilka ka dhacay.

    Ma jiraan illo madax banaan oo noo xaqiijin kara tirada Soomaalida la dilay iyo sababta dilka keentay, hase yeeshee Itoobiya waxaa ka jira kacdoon ay samaynayaan qoowmiyadda Oromada iyo Qowmiyado kale, halka Soomaalida aysan qayb ka ahayn kacdoonkaas dowladda looga soo horjeedo.

    Itoobiya Jigjiga Kilinka Shanaad Oromo
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDowladda Soomaliya & Hay’adda Duulista hawada ee Q/Midoobay oo heshiis cusub kala saxiixday [Akhriso]
    Next Article AKHRISO: Go’aano kasoo baxay shirkii Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo