Dowladda Qatar ayaa xariga ka jartay Dekadda Caalamiga ah ee Hamad oo noqoneysa dekadda ugu Bariga dhexe.
Amiirka Qatar Sheekh Tamiin Bin Hamad Al-Thani ayaa xarigga ka jaray Dekedan cusub oo laga hirgaliyay Konfurta magaala madaxda Dooxa.
Dekedda Hamad ayaa noqotay ugu weyn, uguna casrisan Bariga Dhexe, waxaana ku baxday lacag dhan 7.5 Bilyan oo Doollar.
Dekaddan ayaa awood u leh in lagu keydin karto Raashim muddo laba sano ah ku filan dad gaaraya 3 milyan oo qof, waxayna dabooleysaa 200% baahida suuqa maxliga ee dalkaasi, iyo waliba 35% baahida ganacsiga wadamada Bariga Dhexe.
Dekeda Hamad ayaa ku fadhida dhul dhan 28.5 KM isku wareeg ah, waxayna qaadi kartaa 5 kun baabuur kumanaan Konteenar.