Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Dowlada Soomaaliya War rasmi ah kasoo saartay Qasaaraha Qarixii Muqdisho [Akhriso]

    Dowlada Soomaaliya War rasmi ah kasoo saartay Qasaaraha Qarixii Muqdisho [Akhriso]

    October 16, 20172 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dawlada Federaalka ayaa xaqiijisey in 276 ay u geeriyoodeen qaraxii 14ka October 2017 ka dhacay isgoyska Zope ee KM5 ee magaalada Muqdisho, dhaawacana ilaa 300 oo isbitaalada magaalada la kala geeyey.

    Weli waxaa lagu guda jiro gurmad qaran oo waxii soo kordha dib laga soo sheegi doono. Meydadkan ayaa 111 ka mid ah ay qoysaskooda aasteean halka inta kale ay Dawlada Federaalka iyo Dawladda Hoose ee Xamar ay si sharaf leh u aaseen, iyadoo loo wada sameyn doono baroordiiq heer Qaran ah iyo duco maalmaha soo socda.

    Dawaladda Federaalka ayaa u mahadcelisay shacabka, cidianka, shaqsiyaadka is-xilqaamay, Maamulka Gobolka Benaadir iyo dhammaan dadkii gacanta ka geystay tan iyo shalay markii qaraxa dhaca ilaa iyo hadda oo wada gurmad aan kala go’ laheyn.

    Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada, Wasiirka Amniga Gudaha, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo mas’uuliyiin kale ayaa dhiigooda ku yaboohay dhaawacii si loogu dabiibo. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa booqasho rasmi ah oo uu ku tagi lahaa dalka Turkiga baajiyey isagoo kulamo muhiim ah la lahaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Turkiga.

    Madaxda Qaranka ayaa ku guuleystay inay codsi gurmad ay weysdiisteen waddamada aan saaxiibanada nahay oo qaarkood ay ka soo jawaabeen, sida Dawladda Turkiga oo aqbashay soona direysa diyaarad qaas ah oo dhaawaca lagu qaado. Sidoo kale dawladda Turkiga ayaa soo direysa takhaatiir iyo wafdi heer sare ah oo u imaanaya inay xaalada qiimeeyaan isla markaasna u gurmadaan dhaawacyada. Sidoo kale wadamada deriska ah oo ay ka mid yihiin Djibouti, Kenya iyo Ethiopia ayaa iyagana diyaar u ah inay gurmad takhaatiir iyo daawooyin ah soo diraan.

    Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa magacaabay Guddi heer wasiiro ah oo ay ku jiraan xubno ka socda bulshada rayidka iyo culumaa’udiinka. Guddigan ayaa waxaa la shaqeeya dhalinyaro si mutadawacnimo ah u howlgalayey tan iyo shalay oo kormeer ku sameeyey isbitaalada iyo goobta qaraxa ka dhacay. Sidoo kale ciidanka ayaa si xowli ah uga qeybqaadanayey gurmadka oo 400 askari ayaa tan iyo maanta ku howlanaa nadiifinta goobta qaraxa ka dhacay iyadoo si taxadar leh guryaha burburay looga baarayey dad nool iyo meydba. Ugu yaraan labo qof oo nool ayaa laga soo dhex saaray guryahaas kuwa ka mid ah.

    Waxaa socda gurmad la isu raadinayo dadka kala maqan ama la la’yahay iyo mid dhaqaale loogu ururinayo dadkii waxyeeladu soo gaartay iyo dhismayaashii burburay. Sidoo kale waxaa socda wacyigelin ballaaran oo bahda warbaahinta iyo culumada ay si xoog leh uga qeybqaadanayaan, loona baahanyahay in la sii joogteeyo.

    Muqdisho Qarax Qarixii Soope Somalia
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGolaha Ammaanka Q/Midoobay oo War kasoo saaray Qarixii Magaalada Muqdisho
    Next Article DAAWO SAWIRRO: Diyaarad Milateri oo dhaawacyadii Qaraxa Muqdisho u qaaday dalka Turkiga

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo