Dalalka Cuba iyo Kenya ayaa beeniyay in la sii daayey laba dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba oo Alshabaab ay afduub ku heysatay muddo sanad ka badan.
Wakalada wararka ee AP iyo AFP ayaa maanta faafiyey war ku sabasan in la sii daayey labada dhaqtar ee Cuba u dhashay oo kala ah: Assel Herrera Correa and Landy Rodriguez Hernandez, iyagoo soo xiganaya Wasiirka Arrimaha dibada Cuba Bruno RodrÃguez.
War kasoo baxay Agaasimaha Warfaafinta Wasaaradda Arrimaha dibadda Cuba Juan Antonio Fernandez. ayaa lagu yiri: “Waxaan beeninayaa warka la faafiyey saaka ee ku saabsan in lasii daayey dhaqaatiirta Assel Herrera Correa iyo Landy Rodriguez Hernandez” , wuxuuna sheegay in dadaal xoog leh loogu jiro sii deyntooda.
Dhinaca kale afhayeenka dowladda Kenya Cyrus Oguna ayaa beeniyay warkan wuxuuna sheegay inaysan heli wax war ah oo ku saabsan sii deynta dhaqatiirta Cuba.
