Dalalka reer galbeedka sida Mareykanka, Faransiiak, Ingiriiska iyo Holland ayaa digniino culus kasoo saaray weerarro argagixiso oo laga cabsi qabo inay ka dhcaaan dalka Kenya.
Dowladda Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda ku sugan dalka Kenya uga digtay weeraro argagaxiso oo ka dhaca magaalada Nairobi. Bayaan ay maanta oo Jimce ah soo saartay safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa lagu sheegay in argagixisadu ay bartilmaameed ka dhigan karaan goobaha ay isugu yimaadaan dadka ajaanibka ah sida maqaayadaha, hoteellada, goobaha Daliixka iyo xarumaha ganacsiga gaar ahaan magaalada Nairobi.
“Safaarada Mareykanka waxay xasuusineysaa dadweynaha baahida joogtada ah ee feejignaanta joogtada ah ee goobaha caamka ah sida xarumaha laga dukaameysto, hoteelada, garoomada diyaaradaha, naadiyada, maqaayadaha, xarumaha gaadiidka, iskuulada, goobaha cibaadada iyo meelaha kale ee ay dalxiisayaashu tagaan. Munaasabadaha dadweynaha, sida bannaanbaxyada iyo isu imaatinka damaashaadka, ayaa sidoo kale halis sare ugu jira rabshado,” ayaa lagu yiri bayaanka safaaradda Mareykanka.
Digniintan dhanka ammaanka ah ee ugu dambeysay ayaa timid saacado kadib markii dhowr dal oo Yurub ah ay soo saareen digniino cusub oo tan la mida.
Safaaradda Faransiiska ayaa Khamiistiika digtay in hanjabaadaha joogtada ah ee ka dhanka ah muwaadiniinta reer galbeedka ee ku sugan Kenya ay keeni karaan khatar dhab ah. Waxay sheegtay in argagixisadu ay bartilmaameedsanayaan goobaha ay dadka ajaanibka ah ku badan yihiin sida maqaayadaha, hoteelada, goobaha firaaqada iyo xarumaha ganacsiga gaar ahaan magaalada Nairobi.
Safaaradda Ingiriiska ee Nairobi ayaa kula talisay dadka dalkaasi inaysan u safrin meelaha 60km u jira xuduudka Kenya iyo Soomaaliya, ee Bariga Gaarisa (ilaa 20km Waqooyi-galbee).
Kuwa kale waa kowntiga Mandheera (marka laga reebo ismaamul hoosaadka Mandera West), kowntiga Lamu (marka laga reebo jaziirada Lamu iyo jasiirada Manda), aagag ka tirsan kowntiga Tana River ee waqooyiga wabiga Tana (ilaa 20km waqooyi galbeed ee A3) iyo 15km u jirta xeebta Tana River ilaa Galana (Athi-Galana-Sabaki).
Sidoo kale safaaradaha Holland iyo Jarmalka ee Nairobi ayaa soo saaray talooyin kaas la mid ah. Jimcihii, Booliska Kenyaku booriyay Kenyaanka inay feejignaadaan oo ay ku soo wargeliyaan mas’uuliyiinta wixii dhaqdhaqaaq ah oo ay ka shakiyaan.
Kooxda Al-Shabaab ayaa si joogta ah u beegsata goobaha ay ku badan yihiin ajaanibta ama saraakiisha dowladda Kenya iyo kuwa deriska la ah Soomaaliya. Sannadkii 2013-kii, dagaalyahannada Alshabaab ayaaa weeraray suuq ganacsi oo casri ah, kuna yaalla Nairobi, halkaas oo ay ku dileen in ka badan 70 qof.
