Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Dowladaha Somalia & Itoobiya oo kala saxiixday heshiis ku saabsan horumarinta Xoolaha.. [Sawirro]

    Dowladaha Somalia & Itoobiya oo kala saxiixday heshiis ku saabsan horumarinta Xoolaha.. [Sawirro]

    March 30, 2019Updated:March 31, 20193 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad oo ku saabsan Horumarinta Xoolaha iyo Reer guuraaga, kaasoo ay soo qabanqaabisay Urur goboleedka IGAD.

    Kulan ay yeesheen Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa  ee Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya  Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen iyo Wasiirka Beeraha Itoobiya Mudane Cumar Xuseen, laguna qabtay magaalada Addis Ababa taariikhdu markeey ahayd 28 Maarso 2019-ka ayaa lagu kala saxiixday heshiis Is-Afgarad (MoU) oo ku saabsan  iskaashiga iyo ka wada shaqeeynta arrimaha caafimaadka xoolaha, Suuqgeeynta iyo horumarinta bulshada xoolo dhaqatada ah ee ku nool labada dal.

    Waxaa kulanka labada wasiir ka horeeyay Shir Muddo Seddex maalmood ah uga socday Magaalada Addis Ababa Khubaro ka kala socday labada wasaaradood ee dowladda Federaalka ee Soomaliya iyo Dowladda federaalka Itoobiya Loogana wadaa hadlaayay Sidii labada dowladood iskaga kaashan lahaayeen arrimaha caafimaadka Xoolaha iyo Ka hortagga Cudurada Xoolaha , iyo diyaarinta Heshiiska is afgarad Kaasoo ay siwadajir ah usoo qaban qaabiyeen Urur goboleedka IGAD hay’adda u qaabilsan dhinaca Horumarinta Xoolaha iyo reer guuraaga iyo Hay’adda caalamiga ah Ee USAID oo Dowladda Maraykanka u qaabishan Maalgashiga Horumarinta dhaqaalaha aduunka waxaana shirka lagu gunaanaday saxiixa heshiiska labada wasiir

    Ugu dambey labada wasiir ayaa soo saaray Warmurtiyeed dhowr qodob ka kooban :-

    1- Anagoo ah Wasiirada Xanaannada Xoolaha ee Dawladaha Soomaaliya iyo Ethiopia mas’uulna ka ah arrimaha Xoolaha Iyo Xoolo dhaqatada, waxaan maanta oo ay taariikhdu tahay 28-da Maarso, 2019-ka ku kala saxiixanay heshiis is afgarad is kaashi (MOU) oo lagu hormarinayo loogana wada shaqeeynayo arrimaha caafimaadka Xoolaha, ka hortagga cudurada faafa, suuqgeeynta xoolaha iyo Horumarinta bulshada Xoolaha dhaqatada ee ku dhaqan labada dhinaca ee Xuduuda u dhaxeeysa labada dal.

    2- Anagoo dib u egeeyna hab-siyaasadeedkii caafimaadka xoolaha (Policy Framework on Animal Health “RPFAH”) oo ay wada saxiixdeen Wasiirada Xanaanada Xoolaha ee Waddamada xubnaha  ka ah  Urur Goboleedka IGAD sanadkii 2009-kii,  kasoo ku saabsanaa xal u helidda dhibaatooyinka ka jira ganacsiga xoolaha iyo  nuglaanshaha  caafimaadka iyo suuq-geynta xoolaha ee Gobolka ayaa la isla qaatay in cudurada ku dhaca xoolaha iyo awood yarida ganacsatada xoolaha ay yihiin caqabado halis ah ee hor tagan ganacsiga xoolaha abuurana nuglanshaha, waxaana la go’aansaday in si wada jir ah Gobolka oo mideeysan xal loogu raadiyo wax ka qabshada caqbadaha arrimahaas.

    3- Anagoo aqoonsan baahida loo qabo in si xoog leh loogu howl galo sidii loo hagaajin lahaa arrimaha caafimaadka xoolaha iyo faya qabkooda (Sanitary measure) si loo fududeeyo bad qabka iyo Kordhinta  ganacsiga Dhoofka Xoolaha iyo dhiiri gelinta nolosha bulshada.

    4- Anagoo qirsan caqabadaha ay wajahaan bulshada xoolo dhaqatada (Pastoral Communities), Gancsatada xoolaha iyo kuwa bixiya shaqada caafimaadka xoolaha ee labada dhinac ee bulshada ku nool xuduuda labada wadan isla markaasna si qoto dheer hoos ugu eegeeyna sida ay labada dalba uga go’antahay xal u helidda caqabadahaas loona hormarin lahaa ganacsiga Dhoofka xoolaha.

    Waxaa naga Go’an in:-

    Dhaqaala u raadinta haddii ay noqon lahayd wadamadeena gudahooda (Soomaaliya iyo Ethiopia) ama aan la kaashano IGAD iyo deeq bixiyayaasha sidii loo maalgelin lahaa shaqooyinka kala duwan ee ku qeexan heshiiska isafagardaka labada dal (MoU) iyo qabyo qoraalka habka dhaqan gelinta ee loogu tala galay sidii loo fulin lahaa qodabada heshiiska kaasoo loo asteeyey ansixintiisa 15-ka April  2019-ka.

    Somalia Top xukuumadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleHowlgal Culus oo lagu dhawaaqay inuu ka bilowday Muqdisho [Wadooyinka oo xirmay iyo…]
    Next Article Maxaa kasoo baxay Shirkii Degdega ahaa ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Somaliya? [Daawo]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo