Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa kala saxiixday heshiisyo ku saabsan mashaariic shaqo abuur ah oo dowladda Qatar ka fulineyso Soomaaliya.
Heshiisyadan ayaa ka kooban Saddex heshiis oo shaqooyin loogu abuurayo dhalinyarada Soomaaliyeed. Waxaana heshiiska lagu saxiixay magaalada New York ee xarunta Q/Midoobay iyadoo ay goobjoog ka yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo Marwo Sheikha Muza Bint Nasser oo ah Guddoomiyaha Hay’adda Silatech ee dalka Qatar.
Waxa dhinaca Soomaaliya u saxiixay heshiiska Ergeyga Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, iyadoo la shaaciyey in mashaariicda heshiisyadan ay abuurayaan 75,000 oo fursado shaqo ah gudaha dalka Soomaaliya.