Dowladaha Sacuudiga iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan heshiis ku saaban iskaashiga Duulista hawada ee labada dal.
Heshiiskan ayaa waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaAhi Salaad (Oomaar) , halka dhinaca Sacuudiga uu u saxiixeen Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Saudi Arabia Nabeel bin Mohammed Alamudi iyo madaxa Shirkadda Saudi Airlines.
Wasiir Oomaar ayaa Dalka sucuudida ugu qeyb galay Shirka Aasaaska Amniga Hawada Dawladaha Carabta (Regional Aviation Safety Oversight Organisation) kaasoo ay dowladaha xubnaha ka ah ay iska kaashanayaan bed-qabka diyuuradaha isticmaala hawada dalalkaasi.
Kulan gaar ah oo ay yeesheen wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Mohamed Abdullahi Salaad iyo Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Saudi Arabia Nabeel bin Mohammed Alamudi iyo madaxa Shirkadda Saudi Airlines ayaa lagu heshiiyey iskaashi dhex mara labada dal iyo sidii shirkadda Saudi Airlines loogu furi lahaa khadka hawada Soomaaliya.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya iyo Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Saudi Arabia Nabeel bin Mohammed Alamudi ayaa ugu dambeyn labada dowladood u kala saxiixay heshiis ku saabsan iskaashi dhinaca duulista Hawada labada dal.