Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta kulan muhiim ah ku yeeshay magaalada Muqdisho.
Labada Madaxweyne ayaa kulankooda kaga wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, maalgashiga, dhaqaalaha, waxbarashada, culuunta sayniska iyo tiknoloojiyadda iyo arrimo kale.
Waxay labada dhinac kala saxiixdeen heshiisyo gaaraya 9 heshiis oo ay iska kaashanayaan labada dal sida Waxbarashada, Beeraha Ammaanka, tababarrada ciidamada, dhaqaalaha, maalgashiga iyo heshiiyo kale.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggiisa dalka Turkiga uga mahadceliyay sida qiimaha iyo sharafta leh ee shacabka iyo dowladda Turkiga u garab taagan yihiin Soomaaliya, isla markaana xiriirka cusub ee Turkiga iyo Soomaaliya uu indhaha caalamka ku soo jeediyay xaaladda Soomaaliya iyo in wax laga qabto.
Madaxweyne Erdogan ayaa isna sheegay in dalkiisu sii wadi doono taageerada uu siinayo Soomaaliya, isla markaana ay ka go’an tahay xaqiijinta Soomaaliya oo dib cagaheeda isku taagta.
Madaxweyne Erdogan ayaa maanta booqasho maalin ah ku yimid magaalada Muqdisho, waxaana isaga iyo wafdigiisa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Marwada Madaxweynaha Qamar Cali Cumar iyo mas’uuliyin sare oo ka tirsan labada gole.
Wafdiga Madaxweyne Erdogan ayaa galabta dib uga ambabaxay magaalada Muqdisho, iyadoo ay sii sagootiyeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan.
SONNA