Dowladda Boqortooyada Baxreyn ayaa dacwad ashtako ah ka gudbisay Telefishanka Aljazeera ee dalka Qatar, qeybtiisa Afka Carabiga, iyadoo lagu daray ajendayaasha looga hadlayo shirka Wasiirada Jaamacadda Carabta ee Berri ka furmaya magaalada Qaahira.
Dacwadda Baxreyn ee lidka ku ah Telefishanka Aljazeera ayaa ah tii ugu horeysay ee nooceeda ah oo loo gudbiyo Jaamacadda Carabta, waxayna ka dambeysay markii Telefishanka Aljazeera uu ku baahiyey Barnaamijkii ‘WAXA QARSOON AYAA KA WEYN” oo lagu soo qaatay in Boqorka Baxreyn iyo dowladiisa ay u adeegsadeen xubno argagixiso ah inay kula dagaalamaan mucaaradka kasoo horjeeda.
Baxreyn ayaa ka mid ahayd afar dal oo ay hoggaaminayaan Sacuudiga iyo Imaaraadka oo xayiraad dhinac waliba ah kusoo rogay dalka Qatar, iyadoo shuruudo lagu xiray si looga qaado ay qeyb ka ahaydd in la xiro Telefishanka Aljazeera ee dowladda Qatar ay maalgeliso.