Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Dowladda DFS oo shaacisay inay Amiir xigeenkii iyo 1700 Shabaab ah ku dishay Dagaalka..

    Dowladda DFS oo shaacisay inay Amiir xigeenkii iyo 1700 Shabaab ah ku dishay Dagaalka..

    October 21, 2023Updated:October 21, 20233 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin ku saabsan natiijada dagaalka ay kula jirto Alshabaab ee socday mudadda sanadka ka badan, kadib shir jaraa’id oo uu qabtay Wasiirka wasaaradda warfaafinta.

    Warbixinta dheer ee wasiirka u akhriyay Warbaahinta ayaa lag xusay in Madaxweynaha ku dhawaaqay hoggaaminta dagaal saddex jiho ah oo Khawaarijta dalka looga xorreynayo, kasoo isugu jira dagaal toos ah, mid dhaqaale iyo mid fikir.

    Dagaalka dhaqaalaha ee Alshabaab lagu qaaday ayaa warbixinta dowladda lagu sheegay in lagu burburiyay fariisimihii Khawaarijta ee duleedka Muqdisho ee isugu jiray, maxkamad beenaadyo, lana soo afjaray Shabakado badan oo ay Khawaarijtu dhinaca dhaqaalaha u isticmaali jireen kuwaas oo isu ekeysiinayay, nootaayooyin, shirkado ganacsi, dalaaliin, iyo xubno shaqadoodu ahayd in ay xogta ganacsi la wadaagaan khawaarihta.

    Dowladda Federaalka ayaa xirtay 350 Akoon Banki, 405 Telefoon iyo 18 Koonto ganacsi (Merchant) kuwaas oo dhammaantood Khawaarijta Alshabaab dhex marsiisan jirtay lacagaha baadda ah.

    Tirada guud ee lacagaha lagu Xayiray (Koontada bangiyada, Koontooyinka ganacsiga (Merchants) iyo  Telefoon-nada gacanta ayaa gaareysaa, hal milyan shan boqol tobban iyo sagaal kun, shan boqol toddobaatan iyo shan doolar iyo konton iyo shan sint ($1,519,575.55).

    Dhinaca dagaalka tooska ayaa Alshabaab looga xoreeyay Dhul 1000 KM muddo sanad gudihiis ah, iyadoo in badan 120 isugu jira deegaanno iyo degmooyin ay soo galeen gacanta dowladda.

    Gobolka Hiiraan waxaa la xoreeyay  25 deegaano iyo magaalooyin isugu jira 

    Shabeellaha Dhexe waxaa la xoreeyay  21 deegaano iyo magaalooyin isugu jira 

    Galgaduud waa waxaa la xoreeyay  20 deegaano iyo magaalooyin isugu jira 

    Mudug waa waxaa la xoreeyay  25 deegaano iyo magaalooyin isugu jira 

    Shabellaha Hoose waa waxaa la xoreeyay  10 deegaano iyo magaalooyin isugu jira 

    Jubbaland waa waxaa la xoreeyay  20 deegaano iyo magaalooyin isugu jira 

    Dowladda Federaalka ayaa warbixinta ku sheegtay in Dagaallada tooska ah oo sanad jirsaday lagu dilay kun iyo todobo boqol oo Maleeshiyaad ah (1,700) iyo horjoogeyaal sare oo khawaarijta Alsahbaab muhiim u ahaa, kuwaasoo uu ka mid ahaa dhaxal sugihii kooxda Cabdullaahi Nadiir, waxaana tirada guud ee horjoogeyaashu gaareysa gaaraya (57). Waxaa lagu burburiyay 73 Saldhig oo khawaarijta fariisin u ahayd iyo (68) shabakadood oo noocyo kala duwan u abaabulkaas.

    Dagaalka fikirka ee Alshabaab lagu qaaday ayuu sheegay wasiirka warfaafinta in sanadkan gudihiis la xiray 8029 sideed kun labaatan iyo sagaal barood facebook oo isugu jiray pages and profiles kuwaas oo Alshabaab u isticmaali jirteen faafinta wararka been abuurka. Aaladda Telegram waxaa hawada laga saaro 3517 channels, sidoo kale waxay Dowladdu xirtay 2921 TikTok oo lagu faafin jiray Farimaha Khawaarijta iyo 21 Youtub, 12 Websites iyo 4 afar Idaacadood oo ku hadla Afka Kooxda Khawaarijta Alshabaab.

    Alshabab DFS Qarax Top Xukuumdda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWasiirka Maaliyadda DFS oo shaaciyay xilliga lagu dhawaaqayo Go’aanka Deyn cafinta
    Next Article Dhacdo Dil iyo Kufsi Naxdin leh oo ka dhacday Magaalada Gaalkacyo ee Puntland

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo