Ethiopia ayaa sheegtay in wafdi ka socda dalka ay deriska yihiin ee Eritrea ay toddobaadkan magaalada Addis-Ababa u iman doonaan wada-hadallo soo afjari kara mid ka mid ah dagaalladii ugu dheeraa uguna qasaaraha badnaa Qaaradda Afrika.
Wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia oo warkan ku dhawaaqday ayaan bixin faahfaahin intaas ka badan, waxayna arrintan ka danbeysay markii Itoobiya ay ka tanaasushay dhulka Badme ee ay isku heysteen Ereteriya, weliba ay heysato Itoobiya.
Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa toddobaadkii tagey ballanqaaday inuu wafti u dirayo Ethiopia. Ballanqaadka Afwerki ayaa jawaab u ahaa mid hore oo uu sameeyey ra’iisul wasaaraha isbeddel doonka ah ee Ethiopia Abiy Ahmed, kaasi oo sharfaya heshiiskii ay labada dal kala saxiixdeen sanaddii 2000 ee lagu soo geba gebeynayey dagaal xudduuda ka socday laba sano.
Ethiopia ayaa muddo diidaneyd inay aqbasho qodobada heshiiskaas, oo ay ku jirtay inay ka baxdo magaalada xuduudda ku taal ee Badme. Eritrea oo horey u ahayd gobol ka tirsan Ethiopia, ayaa go’day sanadii 1993-kii.
Dagaalka xuduudka labada dal ayaa qarxay sanadkii 1998 iyadoo uu istaagay sanadkii 2000, waxaana lagu qiyaasay dadka ku dhintay ilaa 100,000 qof.