Heshiis uu kasoo shaqeeyay wasiirka Gaashaandhigga dowladda Federaalka Gen. C/qaadir Cali Diini ayaa galabta lagu saxiixay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud. Heshiiskan oo shan qodob ka kooban ayaa ah mid kumeelgaar ah oo kadib wadahadallo toos ah u furmi doonaan labada dhinac, waxaana qodobadiisa kamida:
[ad name=”HTML-4″]
1. Xabad joojin rasmi ah oo ka hirgasha labada dhinac ee ku dagaalamay Guriceel
2. In la kala qaado labada ciidan ee dagaalamay inta wadahadalku socdo muddo afar (4) casho gudahood ah.
3. In la furo wadahadal muddo toban (10) beri gudahood ah oo ka bilaabata March 5, 2015 si xal rasmi ah loo gaaro.
4. In labada ciidan ku kala ekaadaan degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ayna joojiyaan gurmad ciidan, saanad IWM inta xal rasmi ah laga gaarayo.
5. In dib loogu soo celiyo magaalada shacabkii dagaallada ku barakacay
[ad name=”HTML-3″]
Heshiiskan waxaa u saxiixay dowladda wasiirka Gaashindhigga Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, halka Ahlusunna uu u saxiixay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah ku simaha gudoomiyaha golaha fulinta Ahlusunna Sheekh C/risaaq Maxamed Cali Mire.
Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Federaalka ayaa lagu wadaa inuu Muqdisho ku soo laabto iyadoo la tebayo doorkii wasaaradda arrimaha gudaha oo meesha ka maqan.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-5″]