Waxaa magaalada Garowe ee maamulka Puntland lagu soo gabagabeeyay shir ay isugu yimaadeen Wasaaradda Waxbarashada ee Dawladda Federaalka iyo Wasaaradaha waxbarashada Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka iyo Maamulka Gobalka Banaadir.
Shirkan oo maalmo socday ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ku saabsan heshiis is afgarad ah oo hordhac ah, waxaana ka mida in la mideeyo waxa loogu yeeray qalfoofta Manhajka iyo in maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay iyagu maamushaan Imtixaanka Dugsiyada Sare.
Qodobadda ugu muhiimsan ayaa waxaa ka mida:
1. In la asaaso Golaha Iskaashiga iyo Wadatashiga Wasaaradaha waxbarashada.
2. In la mideeyo qalfoofta manhajka(Curriculum Framework) loona saaro guddi farsamo midaynta Qalfoofka Manhajka.
3. In Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir si madax bannaan u maamushaan imtixaanka dugsiga sare, lana sameeyo guddi madax banaan oo sameeya halbeegyada Guud.
4. In shahaadooyinka dugsiga sare laga qaato lagana bixiyo maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir loona daabacan karo hab online ah.




