Qoraal ay faafisay warbaahinta dowlada Federaalka ayaa lagu cambaareeyay fal ayc iidamada Puntand xoog u adeegsadeen, kuna rasaaseeyeen dadweyn bannaabax nabadeed ka dhigay magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag.
Qoraalka dowladda Federaalka oo aan wasaarad iyo mas’uul midka ku saxiixneyn ayaa u qornaa sida socota:
Muqdisho, 24 Maarso 2021: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay falkii foosha xumaa ee maanta ka dhacay magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag oo ay ciidamada Amniga Puntland si ula kac ah xoog iyo xabad ugu adeegsadeen bulshada ku dhaqan magaaladaas oo samaynayay banaanbax nabadeed.
Fal kasta oo waxyeello loogu geysanayo shacab aan hub wadan waa mid aan la aqbali karin. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqaysaa in la ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida, shacabkana la dhawro.
Dowladda Federaalka ee warkan soo saartay ayaa hore magaalada Muqdisho rasaas u adeegsaday siyaasiyiin, mas’uuliyiin iyo dadweyne dhigayey bannaanbax looga horjeedo Farmaajo.
