Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warar la isla dhex marayey oo ku saabsan xayiraad duulimaad oo lagu soo rogay diyaarado tegi jiray magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland.
War kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa loogu caddeeyay ummadda Soomaaliyeed inuusan jirin haba yaraatee Amar ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada, kaasoo dalka lagaga joojiyay Shirkadaha Diyaaradaha ee Fly Dubai Iyo Air Arabia.
“Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka waxay uga digaysaa dadka iyo Warbaahinta wararkaas been abuurka ah faafinaya inay joojiyaan wararkaas beenta ah ee ay bulshada Soomaaliyeed ku majara habaabinayaan..” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay xukuumadda Federaalka.
Arrintan ayaa ka danbeysay markii la faafiyey in labada shirkadood ee Fly Dubai Iyo Air Arabia ay dowladda federaalka xayiraad ka saartay duulimaadayadii magaalada Hargeysa.
Waxaa hore u jiray arrimo farsamo iyo khilaaf dhinaca shaqada ah oo ka dhaxeeyay maamulka Somaliland iyo labadaas shirkadood ooa fadhigoodu yahay dalka Imaaraadka Carabta.
