Golaha wasiiradda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay magacaabista Maareeyaha Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha (National Identification and Registration Authority).
Xilkan ayaa loo magacaabay Agaasime ku-xigeenkii hore ee Madaxtooyada Puntland Cabdiweli Cali Timacadde oo xilkaas iska casilay Bishii September ee sanadkii hore 2022. Waxaa sidoo kale Agaasime ku xigeenka hay’adda loo magacaabay C/llaahi Biixi Xuseen.
Cabdiweli Timacadde ayaa ayaa ka mid ahaa kooxdii ololaha doorashada Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsaneyd Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni, waxaana magacaabista Maareeyaha cusub ay imaaneysa iyadoo uu khilaaf weyn ka dhex taagan yahay Puntland iyo dowladda Federaalka.
Timacade ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda Gobolka Sool, iyadoo magacaabistiisa sidoo kale lagu soo xilli Muqdisho ku sugan yihiin isimada kasoo jeeda gobolka Sool.