Ra’iisul wasaarihii hore ee Masar oo ku dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka madaxweynaha dalkaasi Axmed Shafiq ayaa laga musaafuriyey Iimaaraadka carabta.
Arrintan ayaa ka dambeysay markii Axmed Shafiq ku eedeeyay Imaaraadka inay ku xayireen dalkooda una diideen inuu ku laabto Masar, kadib markii uu sheegay inuu doonayo inuu u tartamo Doorashada madaxweynenimada ee 2018.
Qoyska Axmed Shafiiq ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in lagu xiray gurigiisa, kadibna dayaarad loogu qaaday magaalada Qaahira, halkaasoo uu gaaray xalay. Mr Shafiq wuxuu u cararay dalkiisa Masar ku yaalla ka dib markii uu ku guul darraystay tartan doorasho madaxweynenimo oo uu kaga guuleystay Maxamed Mursi 2012.
Madaxweynaha iminka talada haya, Cabdulfataax al Sisi, ayaa la rumaysan yahay inuu doonayo inuu mar kale xafiiska qabto, iyadoo uu halis ku yahay musharaxa Axmed Shafiq oo kasoo jeeda kooxdii madaxweynihii talada laga tuuray ee Xusni Mubaarak.
Imaaraadka Carabta ayaa beeniyay in ay ka hor istaagen Mr Shafiq inuu u safro Qaahira.
Ra’iisul wasaarihii hore ayaa ka soo muuqday TV-ga Al Jazeera, isagoo sheegaya in laga hor joogsaday inuu safro. Mid ka mid dadka gacan yareyaasha u ah ayaa sheegtay inay aragtay askar timid gurigiisa ku yaalla Abudhabi.
“Guriga ayey ka kaxeeyeen, ka dibna waxay saareen dayaarad gaar ah. Waxay sheegeen inuu Qaahira ku laabanayo, sababtoo ah dalkiisa oo qura ayey u musaafurin karaan” ayey u sheegtay wakaaladda AFP.
Mr Shafiq waxaa ra’iisul wasaare loo magacaabay maalmihii ugu dambeeyey ee xukunkii Xusni Mubaarak 2011, wuxuuna xilkaas sii hayey seddex todobaad ka dib markii uu dhamaaday kacdoonkii Masar, markaasoo lagu khasbay inuu xukunka ka dego isagoo lala xiriirinayo inay isku dhow yihiin madaxweynihii hore.
Tan iyo 2012, markii la xiray Maxamed Morsi, wuxuu ku noolaa Iimaaraadka carabta. Mr Shafiq oo ahaan jiray duuliye kaxeeya dayaaradaha dagaalka ayaa noqday taliyaha ciidanka cirka muddadii u dhaxaysay 1996 – 2002.