Sheekh ka mida qoyska xukuma Qatar ayaa sheegay inuu ku xiran yahay dalka Imaaraatka Carabta oo uu marti ugu ahaa dhaxalsugaha Imaaraadka.
Fariin muuqaal ah oo uu soo dhigay barahabulshada ayuu Sheekh Cabdallah Bin Cali Al-Thaani ku sheegay inuu marti u ahaa dhaxal sugaha taajka Imaaraadka, Maxamed Bin Saayid Aal Nahyaan, laakiin uu haatan xiran yahay, wixii ku dhacana uu mas’uul ka yahay dhaxal sugaha.
Wuxuu Video-ga ku sheegay in wixii dhibaato ah ee soo gaara uu masuul ka yahay dhaxal sugaha taajka Imaraadku oo marti qaaday, kadibna xirtay, wuxuuna intaas ku daray in shacabka Qatar iyo dalalka Khaliijka uu taageersan yahay.
Sheekhan ayaa sanadkii hore tegay Sucuudiga, isagoo la kulmay boqorka Sucuudiga, waxaana markaas kadib yuu socdaal ku maray Imaaradka, Baxrayn iyo Masar oo ahaa dalalkii xiriirka u jaray Qatar oo ay ku eedeeyeen in ay taageerto argagixisada, waxaana loo waday in lagu bedelo amiirka talada haya ee Qatar oo khilaaf laga dhex abuuro qoyska Aala-thaani ee ka taliya.
Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayaa sheegay in xaaladda Sheekh Cabdallah Bin Cali Al-Thaani aanay kala caddeyn, iyadoo aanu jirin wax xiriir ah oo ay leeyihiin labada dal, balse dalalka ka horjeeda ay ku kaceen falal ka baxsan bani aadamnimada.
Dowladda Imaaraadka ayaa dhinaceeda beenisay inuu u xiran yahay Sheekh Cabdallah Bin Cali Al-Thaani, waxayna sheegtay inuu xor yahay oo meeshii uu doonayo aadi karo.