Ciidamo gaara oo ka tirsan ciidamada dalka Ingiriiska ayaa yimid Soomaaliya, iyadoo ku biiraya howlgalka la-dagaalanka Al-shabaab.
Ciidamadan oo dowlada Ingiriiska ay hore u ansixisay inay u soo dirto Soomaaliya ayaa howshoodu tahay inay tababarro siiyaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.
70 askari oo ka tirsan guutada koowaad ee ciidanka militiriga dalka UK oo wata qalab badan oo ay kamid tahay sahay ciidan, dawooyin, ayna la socdaan injineerada ciidamada ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho.
Ingiriiska ayaa September 0 2015 ayaa Ra’iisal wasaaraha dalka Ingiriiska David Camaroon ku dhawaaqay inay ciidamo hoos imaanaya Q/Midoobay u diri doonaa Soomaaliya.
Wadani.com