Dowladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday tageero dhaqaale oo ay siineyso Soomaaliya, si looga caawiyo abaaraha ka taagan oo sababay macaluul xoog leh.
Xoghayaha arrimaha dibedda ee dalka Britian ayaa sheegay inay Soomaaliya ugu deeqeen sannadkan Lacag ka badan £50 milyan oo lacagta ingiriiska ah, taasoo ay si gaara loogu qorsheeyey in lagu taageero shacabka Soomaaliyeed ee dhibaataysan, gaar ahaan kuwa ay haysato cunto yaraanta, biyo la’aanta iyo adeegyada kale ee dhinaca caafimaadka.
Arrintan ayaa timid kadib wadahadal Khadka Telefoonka ku dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Arrimaha Debedda ee UK James Cleverly oo ay uga wadahadleen xaalada abaaraha iyo xoojinta xiriirka labada dal.
Xoghayaha Arrimaha Debedda ee UK ayaa qoraal kooban ku daabacay bartiisa Twitterka, isagoo sheegay in dawladdiisu ay sii wadayso taageerada ay Soomaaliya ka siiso dhinaca la dagaalanka ururka al-Shabaab.
