Dowladda Itoobiya ayaa faragelisay xiisadda ka dhex taagan Soomaalida iyo Oromada oo dad badan iska laayay dhowaan.
Sida ay sheegtay wakaalada wararka Itoobiya ee ENA ciidamada Milateriga Itoobiya ayaa loo diray xuduudka u dhaxeeya labada maamul ee Soomaalida iyo Oromada Itoobiya, waxaana la xiray dad ka abdan 200 Qof oo Oromo ah.
Wasiirka Warfaafinta dalka Itoobiya Negeri Lencho ayaa faahfaahin ka bixiyay tallaabooyinka ay dowladda Itoobiya ka qaaday fal dad Soomaali ah lagu laayay degaanka Hawaday ee Oromada.

“Dadkii ka qeyb galay qalalaasihii dhacay waa la qabtay, booqlaal qof ayaa lagu qabtay gobolka Oromia, gaar ahaan degaanka Aweday, 200 qof ayaa gacanta ku heynaa…” ayuu yiri wasiirka.
Wuxuu intaas ku daray in Ciidamada difaaca federaalka Itoobiya iyo Booliska Federaalka ay la shaqeynayaan Ciidamada labada Maamul ee Soomaalida iyo Oromada, sidii xal nabadeed loogu heli lahaa khilaafka labada maamul.