Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo lagu soo rogay Gobolka Tigrey ee dalka Itoobiya oo Ra’iisal wasaaraha dalkaasi Abiy Ahmed uu ciidamada ku amray inay tallaabo ka qaadaan maamulka TPLF ee ka hor yimid dowladda Federaalka.
Golaha wasiirada Itoobiya ayaa kulan ay yeesheen ka soo saaray go’aankan oo muddo lix bilood ah xaalad degdeg kusoo rogay Gobolka Tigrey, waxaana howlgalka ciidamada Itoobiya ee Gobolkaasi hoggaaminaya taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya.
Waxaa xayiraad lagu soo rogay Gobolka, iyadoo la jaray isgaarsiintii, lama oga xaaladda iyo waxa ka socda Gobolka Tigrey, iyadoo wararku sheegayaan inuu dagaal ka socdo.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA