Dowladda Jabuuti ayaa ku gacan seyrtay go’aan ay soo saartay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dhexdhexaadinta khilaaaadka ee Xarunteedu tahay magaalada London.
Maxkamadda ayaa xukuntay dacwad ay u gudbisay Shirkadda DP world oo ku saabsan Go’aankii dowladda Jabuuti ay maamulkii dekadda Dooraale uga ceyrisay Shirkadda DP World, waxayna maxkamaddu xukmisay in heshiiska dowladda Jabuut iyo DP World ay tahay mid jira oo shaqeynaya, lagana rabo inay dowladda Jabuuti ku socoto.
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in Maxkamadda aanay u yeerin oo dhinacooda isla markaan aanay waxba ka weydiin kiiskii kala dhaxeeyay shirkadda DP World, sidaas daraadeedna aanay u hoggaansami doonin oo ayahay go’aan aan quseynin dowladda Jabuuti.
Gudoomiyaha maamulka dekadaha iyo goobaha ka caaggan canshuuraha Abuu Bakar Haadi ayaa sheegay in horey ay shirkadda ugu heshiiyeen in heshiiska ay ka baxaan islamarkana qarashaadkii ka galay loo celiyo.
Gudoomiyaha aya intaa ku daray in shirkadda DP World aysan xoog ku haysan karin dekadaha dalka Jabuuti. Dowladda Jabuuti ayaa 22 bishan waxay meesha ka saartay heshiiskii ay la gashay shirkadda DP World.