Dawladda Djibouti ayaa maanta si rasmi ah uga hadashay bayaankii dhawaan ka soo baxay shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee DP-World oo sheegtay in ay mar kale ku guulaysteen dacwad kala dhexaysay dawladda Djibouti, oo ay qaadaysay maxkamad ku taala magaalada London.
Dacwaddan ayaa qayb ka ah dacwado ka horeeyay oo ay shirkaddu u gudbisay maxkamadda dalka Britain kadib markii ay dowladda Djibouti waxba kama jiraan ku tilmaantay heshiis hore oo ay labada dhinac wada galeen sanadkii 2006 oo shirkadda DP World ku maamuleysay Dekadda Dorale ee weyn.
Maamulaha guud ee dekedaha dalka Djibouti Abubakar Cumar Xaddi, oo manta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Djibouti ayaa sheegay in aanu jirin haba yaraatee heshiis toos ah oo ay la galeen shirkadda DP-Wolrd, balse shirkadaasi ay qayb ka ahayd maal galinta dekedaha Djibouti.
Waxa uu sidoo kale gaashaanka ku dhuftay go’aanka la sheegay inuu maxkamadda ka soo baxay ee ku saabsan in shirkadda DP World ay dib ugu noqoto maamulka Dekadda Dorale, isagoo sheegay inaysan Jabuuti marna ka noqoneynin go’aankeeda.
HOOS KA DHAGEYSO