Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 13
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Dowladda Jabuuti oo Wasiir iyo Madax Sare u xirtay Malaayiin lacag ah oo ay Lunsadeen

    Dowladda Jabuuti oo Wasiir iyo Madax Sare u xirtay Malaayiin lacag ah oo ay Lunsadeen

    March 7, 2022Updated:March 7, 20222 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xeer-ilaaliyaha guud ee Jabuuti ayaa sheegay in xisaab hubin la sameeyey lagu helay in lacag balaayin franc ah lagu lunsaday heshiis khiyaano ku dhisan oo dhex-maray saraakiil ka tirsan Wasaaradda Miisaaniyadda iyo ganacsato.

    Kiiskan Musuqmaasuqa o ah kii ugu weynaa dalka Jabuuti ayuu Xeer-ilaaliyaha Dalka Jabuuti sheegay in loo xiray Farah Mohamed Osman, oo ah agaasime ku xigeenka Qalabka ee Wasaaradda Miisaaniyadda iyo agaasime ku-xigeenka Lacagta ee Wasaaradda Sahal Said Awaleh.

    Xariga labada agaasime ayaa keenay in kiiska uu ku lug yeesho Wasiirka Miisaaniyadda Jabuuti Abdoulkarim Aden Cher, oo isna xiray, haddana xabsi ku jira, si loo baaro.

    Warbixin uu soo saaray xeer-ilaaliyaha ayaa lagu sheegay “in Wasaaradda Miisaaniyadda ay lunsatay hanti dadweyne oo loogu dhiibay inay ku daboosho kharashaadka dowladda, iyadoo Lacago badan ku qortay in lagu bixiyay adeegyo u muuqda kuwa la been abuur ah oo aan jirin.”

    Qaabka lacagahan loo lunsaday waxaa ka mida qalab iyo alaabo aan loo baahneyn oo si dhowr jeeer ah ooga dalbay shirkad, taasi oo lagu sheegay in dib u dhis loogu sameynayo dhismaha wasaaradda, iyo qalabyo kale oo ay ka mid yihiin kuwa xafiisyada, computero iyo agab kale, oo qiimahoodu gaarayo balaayiin franc.”

    Qaar ka mid ah ganacsatada ku lugta laheyd lunsashada iyo xubno kale ayaa baaritaanka uu lugaha la galay. Sida uu sheegay xeer-ilaaliyaha, baaritaanka ayaa xaqiijiyey inuu jiray heshiis khiyaano ku dhisan oo dhex-maray qaar ka mid ah ganacsatada iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Miisaaniyadda, kaasi oo lagu lunsaday balaayin franc oo hantida qaranka ah.

    Labada sarkaal ee ka tirsan Wasaaradda Miisaaniyadda ee la xiray ayaa xafiiska xeer-ilaalinta wuxuu sheegay inay la xiriiriyeen Wasiirkii hore ee Miisaaniyadda Abdoulkarim Aden Cher inuu yahay qofka ugu weyn ee billaabay nidaamkan wax is daba-marinta, sidaasina loo xiray Wasiirka Mr. Abdoulkarim Aden Cher.

    Xeer-ilaaliyaha ayaa intaas ku daray in dhowr ka mid ah ganacsatada ay qirteen eedaha loo jeediyey islamarkaana ay soo celiyeen qaar ka mid ah lacagtii ay sida sharci-darrada ah u qaateen.

    Baaritaanka ayaa sii socon doona, sida uu sheegay Xeer-ilaaliyaha islamarkaana dadka ku lugta leh loo gudbin doono xafiiska dacwad oogaha guud, si cadaaladda loo mariyo.

    Djibouti Musuq Top Wasiir la xiray
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleKooxda Farmaajo oo Qalalaase Doorasho ka wada magaalooyinka Garbahaarey iyo Beledweyne
    Next Article Hirshabelle oo soo hormarisay Doorashada 3 ka mida Kuraasta ku harsan Beledweyne (Akhriso)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo