Dowladda Kenya ayaa wasiiirka arrimaha dibadda dalkeeda u soo sharaxday xilka ugu sareeya ururka Midowga Afrika ee (AU).
War ay qortay saxaafadda Kenya ayaa lagu sheegay in dowladda Kenya ay Amina Mohamed oo hadda ah wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi u sharaxay xilka guddoomiyaha soo socda ee Midowga Afrika.

Amina Mohamed oo asalkeedu yahay Soomaali ayaa loolan la geli doona Agapito Mba Mokuy oo kasoo jeeda Equatorial Guinea, Abdoulaye Bathily oo Senegal ah iyo Pelonomi Venson-Moitoi oo Bostwana u dhashay.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday maanta in Kenya ay codsigeeda musharaxnimo ee Amina Mohamed ay u gudbisay Midowga Afirka.
“Waxaan arka inay aamina si wanaagsan u shaqeysay, waxaan u magacawnay inay noqoto musharaxa Guddoomiyaha Midowga Afrika” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya xilli uu madaxtooyada Nairobi khudbad uga jeedinayay shirweynaha dhalinyarada Kenya.
Doorasho bishii July ka dhacday magaalada Kigali ee dalka Rwanda ayaa la isku mari waayay markii lix musharax oo xilkaasi u tartamayay midkoodna ku guuleysan waayay codadkii looga baahnaa oo ah 2/3.
Arrintaas ayaa keentay in xilkaasi uu noqdo mid bannaan, iyadoo uu dhammaaday xiligii guddoomiyaha Nkosazana Dlamini-Zuma oo ah haweeney ka soo jeed Koonfur Afrika, waxayna xilka heysay ilaa sanadkii 2012, iyadoo aan isu sharxin xilka mar labaad.
Liiska musharixiinta ayaa guddiga doorashada uu shaacin doonaa 14-ka Bishan oo doorashada ay dhici doonto Janaayo 2017.
Wadani.com