Dowladda Kenya ayaa soo rogay amarro hor leh oo ku saabsan faafista cudurka Coronavirus, iyadoo dad cusub oo hor leh laga helay cudurka dalka Kenya.
Wasiirka caafimaadka ee Kenya ayaa Mutahi Kagwe ayaa shaaciyey in 8 kiis oo cudurka coronavirus ah laga helay Kenya, ayna dadka qaba kala yihiin 5 Kenyan ah, 2 Faransiis ah iyo qof Mexican ah oo dibadda uga yimid Kenya, iyadoo lag daba jiro dad gaaraya 363 qof oo rakaab ah oo ay la socdeen.
Dadka CoronaVirus qaba ee dalka Kenya ayaa hadda gaaray 15 qof, waxaana dowladda ay soo saartay amarro cusub oo ah in la xiro guud ahaan Baararka dalkaasi, iyadoo Maqaayada a furnaanayaan balse kaliya bixiyaan cunto safaari ah oo dadku hore u qaadanayaan, waxaana kaloo la amray inaan la isugu imaan karin goobaha dadku isugu yimaadaan sida Dugsiyada, Jaamacadaha iyo Masaajidda.
Masaajiddii ugu danbeysay ee xaafadda Islii, magaalada Nairobi ayaa caawa la xiray, iyadoo ay shir jaraa’id qabteen culimada Soomaalida, waxaana arrintan ka hadlay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo sheegay in amar galabta kasoo baday dowladda Kenya lagu xiray Masaajidda.
Sheekha ayaa sheegay in dowladda Kenya ay xirtay masaajiddii dalkaasi oo dhan, sidaas darteedna loo xiray masaajidyada oo dhan iyo goobaha la midka ah, wuxuuna dadka ugu baaqay inay duceystaan oo guryahooda ku tukadaan.