Dowladda Kenya ayaa qoraal cudurdaar ah ka bixisay cabasho ay u dirtay Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi oo ku saabsan Shir uu ka baxay Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, markii Wakiil ka socday maamulka iyo calanka Somaliland lagu arkay shirka.
Kulanka oo lagu casuumay safiirada dalalka Shisheeye ee Nairobi ayaa ku saabasnaa abaalmarin la guddoonsiinayey Madaxweynaha Kenya, waxaana arrintaasi si weyn uga carooday safiirka iyo dowladda Somaliya qoraal dacwad iyo cabasho ah u dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, iyadoo ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah Qaranimada Soomaaliya.
Madaxweynaha Kenya ayaa shirkaas iskugu yeeray danjireyaasha dalalka caalamka u fadhiya Nairobi
Koraalka Dowladda Kenya waxay sheegtay inay qaddarineyso madax bannaanida Soomaaliya, ayna aqoonsan tahay inay Somaaliya tahay dal dowlad oo qura, isla markaana ay ka xun tahay wixii dhacay ioo ay rajeyneyo inay la shaqeyso safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.
Cudur-daarka Kenya ayaa yimid, kadib qoraalka cabashada ah ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ka soo saartay ka bixitaankii safiirka Soomaaliya ee shirkii ay qabanqaabisay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya.
