Dowladda Kenya ayaa si toos ah u faragelisay Doorashada Maamulka Jubbaland ee Soomaaliya, iyadoo qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha DibbadaKenya oo loo diray Wakiilada Beesha caalamka ee arrimaha Soomaaliya uga hor timid dalabka Wakiilka Q/Midoobay ee ku saabsan Doorashooyinka Jubbaland, iyadoo ka digtay in la carqaladeeyo Doorashada Jubbaland.
Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa lagu sheegay inaysan Kenya talo ku lahayn go’aanada kasoo baxay iyo qroaallada uu diray Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Jamse Swan oo uu uga hadaly Arrimaha doorashada Jubbaland, waxaana si toos ah loogu taageeray Guddiga Doorashada iyo xuduudaha Jubbaland ee uu magacaabay Axmed Madoobe.
Dowladda Kenya waxay qoraalkeeda ku sheegtay inay ka walaacsan tahay warqad uu 17-kii bishan soo saaray ergeyga xogahayaha guud ee QM ee Soomaaliya James Swan oo la xiriirtay doorashada madaxweynaha Jubaland. Warqaddaas oo loo diray guddiga doorshada Jubaland ayuu Swan ku sheegay in natiijada doorashada madaxweynaha Jubaland aysan heli doonin taageero buuxda, haddii aan hanaanka doorasho lagu sameyn is-beddelo ay dalbatay beesha caalamka.
Warqad ayaa lagu yiri dowladda Kenya waxaa walaacisay in James Swan uu dalabyo cusub la yimid islamarkaana shuruudo uga dhigay qabsoomidda doorashada madaxweynaha, inkasta oo guddiga doorashada uu fuliyey dalabyadii hore ee beesha caalamka.
Kenya waxay ka digtay in dib u dhac xilli dambe ah oo doorashada Jubaland lagu sameeyo ay dhaawac gaarsiin karto xasiloonnida Soomaaliya, iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Kenya ayaa beesha caalamka uga baaqday inay dowladda federaalka Soomaaliya kala shaqeeyaan taageeridda gudduga doorashada Jubaland, si hanaanka doorashada Jubaland loogu soo geba gebeeyo waqtigii loo gooyey.
Qoraalka Kenya ayaa soo qaaday in Xildhibaano ku dhow 20 saddex kamid ah xisbiyada siyaasada ee Soomaaliya oo ay hogaaminayaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ay taageereena qaabka ay u socoto doorashada Jubbaland.
Kenya oo si toos u taageereysa Axmed Madoobe ayaa qoraalkeeda wuxuu noqonayaa dowladii ugu horeysay ee si toos ah uga hadasha Doorasho Goboleed ka dhaceysa Gudaha Soomaaliya, waxaana Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya oo loo diray Kaaliyaha Xoghayaha Qaramada Midoobey ee Arrimaha Siyaasadda lagu sheegay in weli Wakiilka Qaramada Midoobey uu ku dhaqaaqay shuruudo uu iskiis ugu soo rogay Guddiga Doorarashada Madaxweynaha Jubbaland.
HOOS KA AKHRISO

