Milateriga Kenya ayaa bayaan ka soo saaray goor dhoweyd weerarkii Alshabaab saaka aroortii ku qaadeen saldhiga ciidamada Kulbiyow ee u dhow xuduudka Somalia iyo Kenya.
Qoraal uu ku saxiixan yahay Afhayeenka ciidamada Kenya ayaa lagu sheegay in aroorii saaka ay kooxda Alshabaab weerar ku soo qaadeen xerada iyagoo adeegsanaya gawaari is-miidaamiyeyaal wadaan iyo weerar dhulka ah, balse dib loo celiyay oo la eryaday.
Waxaa kaloo qoraalka lagu sheegay in Alshabaab ay isku dayeen inay xerada qabsadaan, lagana dilay argagixiso fara badan, waxaa socda howlgal balaaran oo ay ku lug leeyihiin ciidamada dhulka iyo Cirka Kenya oo lagu baacsanayo Alshabaab.
Wararka Alshabaab ku faafisay baraha bulshada oo ah inay dishay tobanaan ciidamo Kenyaan ah ayaa lagu beeniyay qoraalka, taasoo lagu sheegay inay tahay dacaayadda Alshabaab faafisay.
HOOS KA AKHRI QORAALKA WASAARADDA DIFAACA KENYA