Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay Doorashada muranka ka taagan yahay ee maamul Goboleedya Jubbaland, kadib booqasho uu ku-xigeenka xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ku tegay magaalada Muqdisho.
Qoraal uu soo saaray afhayeenka Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in ku- xigeenka xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee dhinaca siyaasadda David Hale uu Muqdisho kula kulmay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayna ka wadahadleen horumarka siyaasadda iyo amniga ee Soomaaliya ka gaartay sidii looga cafin lahaa Deynta.
Qoraalka ayaa waxaa laloo lagu sheegay in David Hale uu caddeeyay rajada uu Mareykanku ka qabo in Maamulka Jubbaland ay ka dhacdo doorasho si nabad xor ah ku dhacda aakhirka bishan iyo inuu dhiirigelinayo sidii doorasho qof iyo cod ah uga dhici lahayd Soomaaliya sanadka 2020-ka.