Mareykanka ayaa shaaciyey inay balaarisay Safaaradeeda iyo Diblomaasiyiinta ka jooga magaalada Muqdisho kadib horaantii december 2018-ka, waxayna ku dhawaaqday inay lacag dhan $900 Milyan lagu maalgelinayo mashaariic kala duwan oo Soomaaliya laga fulinayo.
Safaaradooda Mareykanak ee Muqdisho ayaa maanta shaacisay in kaalmada ay bixiso oo ku koobneyd arrimaha gargaarka, hadda lagu kordhiyey waxbarashada, caafimaadka, dhisidda hay’adda dowladda, dowlad wanaaga, cadaaladda, shaqo abuurka iyo horumarinta dhaqaalaha.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in Mareykanku ugu talo-galay arrimaha banii’aadnimada Soomaaliya lacag gaareysa $420 million. Waxaa kaloo ka qeyb qaadaneysaa dowladda Mareykanka sidii loo casriyeyn lahaa goroonka diyaaradaha ee Muqdishu iyo Dekeda.
Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inay lacag gaareysa $110 milyan ku caawin doonto dowlad wanaagga, xallinta khilaafaadka iyo dib u habeynta garsoorka dalka.