Dowladad Mareykanka ayaa farriin culus soo gaarsiisay Boqortooyada Sacuudiga, taasoo ku saabsan in xayiraadda ay ka qaado dalka Qatar oo bartamihii sanadkii hore ee 2017 isbaheysi Sacuudigu hoggaamiyo ku soo rogay xayiraad dhulka, Badda iyo hawada ah.
Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo oo socdaakiisii ugu horeeyay ku maraya bariga dhexe ayaa ka degay Sacuudiga, waxayna Wargeyska afka dheer ee New York Times uu qoray inuu wasiiru farriin adag u sido Sacuudiga, taasoo ah inuu qaado xayiraadda uu ku soo rogay dalka Qatar.
Farriin Mike Pompeo ayaa ah in arrintan ay halkaasi ku dhammaato oo Mareykanka aanu sii daawan karin in dalalka Khaliijka ay kala qeybsan yihiin, xiisadda dalalkaasi ay qaadatay waqti ka badan intii la filayey, iyadoo loo diyaar garoobayo xaaladda dalka Iiraan.
Lama oga sida Sacuudigu ka yeeli doono dalabka culus ee uga yimid Mareykanka oo lagu dhameynayo xayiraadda sanadka ku dhow ee isbaheysiga Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar saareen dalka yar ee Qatar.