Dowladda Mareykanka ayaa cambaareysay laba qarax oo is-maadin ahaa oo shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyto ee gobolka Mudug, kuwaasi oo 20 qof lagu dilay.
Dowladda Mareykanka waxa ay sidoo kale dhalleeceysay weerarkii madaafiicda ee lagu qaaday xarunta wasaaradda gaadiidka ee dowladda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
“Waxaan tacsi u direynaa kuwa lagu beegsaday weeraradan. Waxaan ka warheynaa in qaraxii gaalkacyo uu ka dhacay meel ku dhow suuq uuna dilay ugu yaraan 15 qof, islamarkaana dhaawacay 80 kale” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.
“Dadka Soomaaliyeed waxay weli xambaarayaan xanuunka xasilooni darrada iyo argagaxa ficillada kooxda Al-Shabaab iyo weerarooda joogtada ah. Dowladda Mareykanka waxay garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed iyo dowladda federaalka, si gacan looga gaysto dib usoo celinto xasiloonida dalka.
Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda labadan qarax oo dhacay maalintii Isniinta.