Dowladda Mareykanka ayaa bogaadisay doorashada guddoonka labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo shalay lagu soo geba-gebeeyey magaalada Muqdisho, ayada oo dalbatay in si deg deg loogu xajiyo doorashada madaxweynaha.
Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “waxaan u hambalyeyneynaa hoggaamiyayaasha cusub ee loo doortay baarlamanka Soomaaliya oo xilli xasaasi ah la wareegaya mas’uuliyaddooda. Waxaan boorineynaa in si deg deg ah, nabdoon la iskuna haleyn karo loo soo geba-gebeeyo tallaabada ugu dambeysa hanaanka doorashada Soomaaliya oo ah doorashada madaxweynaha.”
Qeybta Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykaka ayaa qoraal kale o oay soo saartay ku dalbatay in degdeg loo guda galo Doorashada Madaxweynaha, lana soo gabgabeeyo Doorashada.
“Waxaan rajeyneynaa in si degdeg ah loo soo gabagabeeyo doorashada madaxweynaha oo lagu kalsoonaan karo iyo in laga wada shaqeeyo horumarinta dimuqraadiyadda, xasilloonida, iyo dib u soo kabashada Soomaaliya” ayaa lagu yiri farriinta Wsaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka.
Geba-gebada doorashada guddoonka baarlamanka ayaa waxaa sidoo kale bogaadiyey saaxiibada Soomaaliya ee caalamka.