Dowladda Qtrar ayaa maamulka Gobolka Banadir ugu deeqday Basaska waaweyn ee dadweynaha qaada oo gaaraya 30, iyadoo lagu wareejiyay Maamulka Gobolka Banaadir iyo dowladda Federaalka ah.
Deeqday Gaadiidka ah oo ah tii ugu badneyd ayaa waxaa Dekadda weyn ee Muqdisho kula wareegay Mas’uuliyiin kala socda Gobolka Banaadir, iyadoo dowladda Qatar uga mahadceliyay taageerada dhinac walba leh ee ay la garab joogto Soomaaliya.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa 17 ka mid ah Gaadiidkan leh iyada oo inta soo hartay loo qeybinayo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah.
Gaadiidkan waxaa adeegsanaya Dowladda hoose ee Muqdisho,waxaan Basaska dhaadheer,iyada oo horay sidan oo kale Maamulka Gobolka Banaadir uu Gaadiid uga helay Waddamada Imaaraadka,Turkgiga iyo kuwo kale oo taageera Dowladda Federaalka ah.