Dowladda Qatar ayaa diyaarad weyn oo xamuul ahna nooca milateriga u soo dirtay Magaalada Muqdisho, iyadoo ay saaran yihiin agab caafimaad iyo dhaqaatiir.
Diyaaradan oo ah nooca C17 ee xamuulka milateriga ayaa loo diyaariyay qaab caafimaad ayaa ku soo wajahan Muqdisho Duhurnimada, waxaana saaran 36 sariirood iyo dawooyin dhan 2 tan oo deeq ah.
Diyaaradan ayay dowladda Qatar ugu qoondeysay inay daabusho dhaawacyadii qararaxa Muqdisho oo loo diyaariyay isbitaallo ku yaalla dalka Suudaan, waxaana kharashka bixinaya dowladda Qatar.
Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Qatar Cumar Idris ayaa yiri: ” Waxaan saaka 7:30 aroornimo ku sagootinay eeraboorka militariga ee caanka ah (Al-Cudeyd) diyaaradaha militariga Qatar ee xamuulka waaweyn mid ka mid ah, nooca loo yaqaano C17 waxayna Xamar ka degi doontaa 12ka duhurnimo maanta, taasoo sidday 2 tan dawooyin ah, 36 sariirood oo dusheeda ku rakiban oo loogu tala galay in lagu daad gureeyo dhaawaca ay xaaladahoodu darantahay isbitaallo ku yaallo dalka Sudaan si halkaas loogu daweeyo, kharashka ku baxaya oo dhanna dowladda Qatar ayaa bixinayso. Waxaa kaloo la socda 30 qof oo isigu jira, shaqaale caafimaad, badbaadinta degdegga ah, iyo hagayaasha diyaaradda. Berritona Khartoum ayey ka soo duuli doontaa oo ay Muqdisho ka qaadi doontaa 36 qof oo kale.”
Wadani