Dowladda Qatar ayaa deeq Gaadiid ah oo kala duwan soo gaarsiisay Xukuumadda Soomaaliya.
’iisul Wasaare ku-xigeenka, ahna ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta safiirka Qatar ee Soomaaliya Xasan Xamza ka guddoomay Doomo, Cagafyo iyo gaadiid kale oo dowladda Qatar ay ugu deeqday dowladda Soomaaliya.
Munaasabad lagu qabtay gudaha dekadda Muqdisho, ayuu ku-simaha Ra’iisul Wasaaruhu uga mahad celiyay dowladda Qatar deeqda ay soo gaarsiiyay iyo taageerada joogtada ah ee shacabka iyo dowladda ay la garab taagan yihiin.
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in doomaha iyo gaadiidka kale ee maanta dowladdu ka heshay Qatar ay uga faa’iideysaneyso beereaha, adkeynta amniga iyo howlaha kale ee muhiimka ah.


