Dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday inay fulineyso dhismaha Dekadda Hobyo ee Gobolka Mudug, kadib heshiis ay magaalada Muqdisho ku kala saxiixdeen labada Dowladood.
Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen Wasiirka Dekedaha dalka Qatar Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee dowladda Soomaaliya Maryam Aweys Jaamac ayaa lagu shaaciyey in la bilaabayo Mashruuca dhismaha Dekeda Hobyo oo ay maalgelineyso dowladda Qatar, waxaana dhismaha Dekeda Hobyo ku baxaya lacag malaayiin oo Dollar.
Munaasabadda oo lagu qabtay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare ku–xigeenka dalka, wasiirka arrimaha dibadda Qatar, madaxweynaha Galmudug, qaar kamid xildhibaannada labada gole, wasiirro iyo wasiirro ku-xigeenno ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Wasiirka dekadaha Qatar oo Ra’iisul Wasaaraha dalka uga mahadceliyay soo dhaweynta ballaaran ee loogu sameeyo Muqdisho ayaa sheegay in dekadda Hobyo loo dhisayo habka ugu casrisan ee dekad loo dhiso, laga billaabo maantana laga howl gelayo qorshaha dhismaheeda, si shacabka Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan.
Wasiirka dekadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Marwo Maryam Aweys Jaamac ayaa caddeysay in billaabidda dhismaha dekadda Hobyo ay muhiim u tahay shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo horumairnta dhaqaalaha dalka.
Heshiiskan ayaa ka danbeeyay socdaal uu magaalada Muqdisho ku yimid Ra’iisal wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka Arrimah dibadda Qatar Mohamed Bin Abdirahman iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kulan la yeeshay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Dowladda Qatar ayaa hore u fulineysay mashruuca dhismaha wadooyinka soo gala magaalada Muqdisho oo dhowaan la bilaabay jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye.




