Munaasbad lagu maamuusayo dhagaxa dhigga dib u dhiska xarunta Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho, iyadoo uu dhagaxa dhigay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Dowladda Qatar ayaa maalgelineysa dibu dhiska Xarunta Wasaaradda Qorsheynta, iyadoo kharashka soo marisay Sanduuqa Horumarinta Qatar, waxaana munaasabadda dhagax dhigga goobjoog ka ahaa Safiirka dalka Qatar ee Soomaaliya, Wasiirada Qorsheynta, Waxbarashada iyo xubno kale.